DHEGEYSO: Sweden oo soo bandhigtay fursado QAALI ah oo shaqooyin lagu heli karo (Ka faa’iidayso)

0

(Stockholm) 01 Luulyo 2020 – In ka badan 5,000 oo boos waxbarasho oo dhanka xirfadaha ah oo ay ku jiraan caafimaadka iyo IT-ga oo laga bixinayo macaahidda tacliinta saree e Sweden ayaa loo qoondeeyey dadka uu saameeyey cudurka karoonuhu ee shaqooyinkoodii ku waayey.

Waxbarashada Sandra waxay ka mid tahay ilaa 300 oo waxbarasho oo ka mid ah guud ahaan 5,100 oo boos waxbarasho oo ay Dowladda Sweden ku kordhisay waxbarashooyinka xifradaha, si dadku fursadaha uga faa’iidaystaan, kuwaasoo bilaabmaya Agoosto iyo Sebtembar.

Waxaa mihnadaha la heli karo ugu badan Computer / IT, Maaliyadda, Maamulka iyo Suuq Gaynta, Tiknolojiyadda Dhismaha, Daryeelka Caafimaadka, Adeegga Bulshada iyo Wershadaha, waana mihnado lagu heli karo shaqooyin fara badan.

Hadalsame Media