DHEGEYSO: Xiriir wayn oo ka dhexeeya dembiyada HALISTA ah & cudurrada dhimirka ku dhaca

0

(Stockholm) 30 Juun 2020 – 4 ka mid ah 10-kii qofood ee gaystey gacan ka hadal geeri keenay ayaa la sheegay inay la xiriireen dhakhtarka dhimirka ee psychiatry-ga qiyaastii sanad kahor, sida ay sheegtay Hay’adda Kahortagga dembiyada Sweden oo daraasad ku samaysay 800 oo qofood min 2006dii ilaa 2017-kii.

Hay’adda BRÅ ayaa u kuur gashay caafimaadka maskaxeed ee dadka mudadaa gaystey gacan ka hadallada halista ah kuwaasoo ay 92% rag yihiin.

Klara Hradilova Selin oo ah dembi baare ayaa sheegtay inay mabda’ ahaan aad u adag tahay inay xarumaha caafimaadku sii go’aamiyaan bukaannada ku kici doona dembi aad u halis ah.

Waxaana daraasadda oo maanta oo Talaado ah lasoo bandhigay ka muuqata in 4 ka mid ah 10-kii qofba ay la xiriireen dhakhtar dhimir amaba laga daweeyey.

Hadalsame Media