Weriye Kenyan ah & gabar Soomaali ah oo noloshooda baraha bulshada ku xayaysiin jirey oo kala tegey + Sawirro

0

(Nairobi) 29 Juun 2020 – Wariyaha Kenyaanka ah ee warka ka akhriya KTN ee Ben Kitili iyo xaaskiisii Soomaalida ahayd ayaa kala tegey 2 sanoo uun kaddib markii uu xaflad aroos u dhigay gabar Soomaali ah oo saaxiib la aheyd muddo sadex sanadood ah.

Aamina Muudeey ayaa u haysay Ben gabadh sadex sano jir ah xilligii arooska, ayay warbaahinta Kenyaanka ku tilmaameen isdhex galka dhaqanka qowmiyadaha Kenyaanka iyo kuwa Soomaalida.

Aamina ayaa laba ilmood iminka u haysa Kitili oo sheegtay inay ku faraxsan tahay waayihii qurxoonaa iyo xusuustii wacnayd ee ay soo wadaageen muddadii ay wada joogeen.

Labadan lamaane oo is guursadey bishii Nofeembar ee 2018-kii, isla markaana dayro kala kulmay qoyska gabadha oo aan ku faraxsanayn guurka nin aan Muslim ahayn, ayaa aad guurkooda ugu xayaysiin jirey dhanka baraha bulshada.

Mana dheerayn markii ay Aamina soo gelinaysey muuqaallo ay ninkeeda ku tilmaamayso nin qoys oo xilkas ah waajibkiisana kasoo baxa, iyadoo dadku is waydiiyeen waxa kala taggan keenay.

Hadalsame Media