”Waannu difaacaynaa!” – Turkiga oo u hanjabey ciddi taabata maraakiibtiisa u socota Libya (Faransiiska & Giriigga oo…)

0

(Ankara) 29 Juun 2020 – Turkey ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay soo farageliyaan haddii la weeraro markab ay ilaalinayaan ciidamadeeda baddu oo mushaaxaya Badda Dhexe, sida uu khabiir dowladda ka tirsan u sheegay Anadolu.

Waxaa jirta xiisad ka oogan gobolka, gaar ahaan kaydka shidaal ee Libya ee ku jira bariga Badda Dhexe iyadoo ay Dowladda dalkaa Libya ay heshiis amaan la gashay dalka Turkiga.

Dhowaantan ayay ahayd markii ay maraakiib dagaal oo ay kala leeyihiin Giriigga iyo Faransiiska ay isku dayeen inay qash qashaadaan markab xamuul oo uu Turkigu leeyahay oo Libya u socdey, balse waxaa kusoo baxay maraakiibta dagaalka Turkiga oo galbineysey, kuwaasoo diidey in la taabto markabkooda.

Yucel Acer, oo ah Madaxa Kulliyadda Xeerka Caalamiga ah ee Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit University, ayaa sheegay in faragelin kasta oo lagu sameeyo maraakiibta ganacsiga ee Turkigu u dirayo Libya aysan sharci ahayn.

Acer ayaa sheegay in Xeerka Badaha Caalamka ee ay QM meel marisay 1982-kii uu dhigayo in biyaha caalamiga ah uu so xor ah u mari karo dal kasta xitaa haddii aanu bad lahayn.

“Waxay qayb ka tahay xorriyahadan; xorriyadda gaadiidka, xorriyadda duullimaadka dul maridda badaha caalamiga ah, xorriyadda dhigitaanka kayballada iyo tubooyinka waawayn, xorriyadda lagu dhisan karo jasiirado macmal ah, xorriyadda kalluumaysida iyo xorriyadda daraasaadka cilmiga ah,” ayuu yiri Acer oo sheegay inuu Turkigu xaq u leeyahay ilaalinta maraakiibtiisa xitaa marka ay ka baxaan aaggiisa maxalliga ah ee EEZ.

Hadalsame Media