Somaliland oo soo saartay go’aankii ugu adkaa ee ka dhan warbaahinta xorta ah

0

(Hargaysa) 29 Juun 2020 – Maamulka Somaliland ayaa soo rogey go’aankii abid ugu adkaa ee ay ka qaataan Warbaahinta madaxa bannaan, iyaga oo amray warqad lagu dalbanayo in xitaa liiska sanaadiiq danabeedyada la daawado laga saaro TV-yada Universal TV iyo Star TV.

Warqaddan oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Md Sulaymaan Koorre, isla markaana qaab ‘dibi goowrac wayli haku quus qaadatee” ah loogu hagaajiyey TV-yada kale, ayaa lagu sheegay in ”rukhsaddii lagala noqday” labada TV ee aannu soo xusnay 29-kii iyo 23-kii bishan sida ay u kala horreeyaan.

Arrintan ayaa wax u dhimi karta sumcadda maamulka Somaliland oo ku dooda inuu yahay maamul dimoqraaddi ah, taasoo ah sida uu ku raadiyo aqoonsiga, waxaana TV-yadan lagu haystaa inaysan baahin khudbaddii Madaxwaynaha Somaliland, taasoo aan sharciyan si khasab ah loo fari karin, maadaama ay yihiin hay’aad saxaafadeed oo gaar ah oo leh go’aan qaadashada waxa ay baahinayaan iyo wax ay iska daynayaan, waloow ay sheegeen inay baahiyeen.

Hay’adaha fulinta ee maamullada ka jira Somalia ayaa iska soo saara go’aamo u eg kuwo maxkamadeed, iyaga oo ciyaaraya doorkii garsoorka, taasoo sharci darro ah ku noqonaysa kala madax bannaanida shaqooyinka hay’aadka.

Hadalsame Media