Puntland ma iyada ayaa SAAAMAYNTEEDII hoos u dhigtay mise cid kale? (Qoraalkan Md Juxaa halla gaarsiiyo)

0

(Hadalsame) 29 Juun 2020 – Baarlamanka Puntland ayaa la sheegayaa inuu u fadhiyo wada tashi ku aaddan arrin aan gebi ahaanba Baarlamankaasi khuseeynin kana mid ahayn sharciyaddiisa (mandate), taasoo ah arrinta metelaadda magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha la hadal hayo waxaa ka mid ah inuu ka doodi doono qodobbo uu ugu xasaasisan yahay mid ah ”inay Puntland ka goosato Somalia”, ugu yaraan si KMG ah, taasoo uu Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), ku sheegay dookh nukliyeer ”nuclear option”.

Juxaa wuxuu ku dooday in ay hoos u dhacday wax uu ku sheegay ”saamayntii Puntland”, balse su’aashu waxay tahay maxay tahay sababta waaqiciga ah ee ay saamayntaasi hoos ugu dhacday.

Aan eegno oo adeegsanno murtida 3 waxyaabood oo aad xil, MILGO ama saldanad ku waayi karto isla markaana aan haboonayn in aad rag kula dhaqanto oo kala ah: Gacan gurran, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.

GACAN GURRAN – Marka aad doonayso inay meel hormuud ka noqoto horta waxaa lagaaga baahan yahay wax bixin, taas waa diidey Maamulka Puntland oo shilin dhexda ka daloola kuma darsado DF Somalia oo hadda laga qaado Gobolka matalaaddiisa la isku hayo oo qura.

GAR WEECSAN – Xildhibaannada Maamulka Puntland qaar baa shalay lahaa ”waxaa la faquuqay Puntland iyo Jubbaland”, balse taasi waa gar weecsan, xaqiiqadu waxay tahay inay iyagu iska faquuqaan Soomaalida inteeda kale, waloow Jubbaland ay tahay meel ay Soomaalidu wada deggan tahay, misna Axmed Madoobe wuxuu ka dhigay rimoor ku daba xiran Puntland, waxaana la fahamsan yahay in qorshaha noocaas ah ay hindisihiisa leedahay Puntland. Waa tii la yiri ”ninkii ani yiri rag iska sooce”, haddii adigu gooni isu saarto oo talo kasta oo ay umaddu gaarto aad diiddo, ma lugu faquuqay mise adigaa is faquuqay haddii garta si daacad ah loo qaado oo runta la isu sheego? Waxay ahayd in la abuuro maamullo u wada shaqeeya si Soomaalinnimo ah oo kuwii ay dani iskaga xiran tahay ay wada shaqeeystaan, tusaale, Puntland iyo Soomaaliba waxaa Jubbaland uga dhow ugana caano badan Galmudug iyo Somaliland oo ay la macaamisho lana heshiiso, sida ay Jubbaland ugu baahan tahay inay dadkeeda isku xirto kaddibna ku faraq xirato KG Somalia, balse ma yeelaan, ama ugu yaraan ma yeelin ilaa haatan.

GUDDOON JILICSAN – Waxaa midkan tusaale loogu soo qaadan karaa marka arrin ay Soomaalidu iskugu timaado, ee ay Puntland wax ka saxiixdo kaddibna diiddo, waxaa jira shirar ciiddaa ka badan oo lagu saxiixay waxyaabo ay ka mid yihiin habka khayraadka loo qaybsanayo, dhismaha ciidanka Somalia iwm, misna gebigood Puntland waa diiddey, xitaa sahanka shidaalka ee laga baaray xeebaha Somalia laguma darin Puntland oo waa diiddey, iyada oo uu Dastuurka ugu qoran yahay clause sharci darro ah oo dhigaya inay u dhaqmi karto sidi dal madax bannaan, kaasoo baaddil ah, waayo gobolna ma qoran karo qodob ka horjeeda Dastuurka dalka uu ka tirsan yahay oo dunida kama dhacdo taasi, taa biddaalkeeda, waa inuu gobol kasta Dastuurkiisa waafajiyaa midka DF.

Haddii aan koobno, qofka raba inuu saamayn hoggaamineed yeesho waa inuu muujiyaa lexe-jeclo oo haddii la is qabsado uu isagu dadka kala furdaamiyaa, wixii isaga ku xiranna ka tanaasulaa, haddii ay wax bixin noqoto waa inuu ugu horreeyaa, haddii ay noqoto in col shisheeye lala xaalayo waa inuu umadda ugu horreeyaa, waa inuu u turaa maslaxada guud ee umadda. Dadku waa fahmi karaan marka aad wax la riixayso iyo marka aad wax riixanayso. Haddii lagaa aamusana micnuhu ma aha in la moog yahay doorka aad ciyaarayso oo hadba go’aaminaya waxa ay dadku kuu arkayaan HORSEED ama DABAADI wax kasta diiddan.

Marka aad haddaba intan aragto Puntland ma iyada ayaa saamaynteedii hoos u dhigtay mise cid kale ayaa faquuqday? Qiyaas marka aad tiraahdo haddii uu gobol hebel xaqiisa helo waan ”goosanayaa” ee aad caay lasoo istaagto. Ma door aad saamayn ku yeelan doontaa?

Hadalsame Media