KHATAR: Xafaayado carruureed laga helay KAAF-FALLO halis ah & su’aalo ka yimid (Dhegeyso)

0

(Uppsala) 29 Juun 2020 – Kaah-falka haraadiga nukliyeerka ee loo yaqaan Radio-active-ka ayaa laga helay xafaayado carruureed ku jirey goob qashinka lagu ururiyo oo ku taalla gobolka Västmanland, kuwaasoo la dareensan yahay inay ka yimaadeen isbitaalka Akademiska Sjukhuset.

Xafaayadahan carruurtan ayay ku maasheeysan yihiin ama lagu qooyey kaadi ay ku dhex jirto maadaadada kaah-falka leh ee Lutetium 177, taasoo uu Akademiska Sjukhuset adeegsado marka la gubayo unugyada kansarka ah.

Hay’adda Amaanka Kaah-falka Sweden ee Strålsäkerhetsmyndigheten (SSM), ayaa ku doodaysa in haraadigan la gubi karo, iyada oo aanay dhicin halis caafimaad oo bay’ada iyo dadka soo gaaraysa.

Yeelkeede,  waxay Maamulka Gobolka Uppsala ka codsadeen inay sharraxaan hab-raac maalmeedyooda ku aaddan sida ay guud ahaan u maareeyaan la tacaalidda haraadiga walxaha leh kaah-falka leh.

Hadalsame Media