DEG DEG: Dalka Somalia oo qabtay kursiga 2-aad ee ugu sarreeya Golaha Guud ee QM

0

(New York) 29 Juun 2020 – Dalka Somalia ayaa ku guuleystay qabashasa kursiga madaxweyne ku-xigeenka Golaha Guud (General Asembley) ee Qaramada Midoobay, sida goor dhowayd ku dhawaaqay Xafiiska Soomaaliya ugu qaybsan QM.

Madaxweynaha Golaha Guud ee QM ayaa waxaa ah haatan ah, Volkan Bozkır, kaasoo loo doortay horraantii bishan gabaabsiga ah ee Juun, wuxuuna u dhashay dalka Turkiga, waxaana ku xigeenka loo doortay Somalia.

Waxaa xilkaa Somalia ku metelaya Danjiraha Somalia ee QM, Md Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle), oo noqonaya Madaxweyne Xigeenka Golaha Guud ee QM ee kal-fadhigga 75-aad ee 2020/21, waana markii ugu horreysay muddo 33 sanadood ah ee ay Somalia ay kursigan ku fariisato.

Yeelkeede, Somalia ayaa horay 3 mar usoo noqotay Madaxweyne Xigeenka Golaha Guud ee QM, sanadihii 1963-1964 oo uu noqday Xasan N. Cilmi, 1979-1980 oo ay kala noqdeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Axmed M. Aadan Qaybe, iyo 1986-87 oo uu xilkan ku dangiigsadey Cabdullaahi S.Cismaan.

Hadalsame Media