DEG DEG: Baarlamanka oo soo saaray go’aamo ka kooban 13 qodob oo wada diidmo ah (Gobolka Banaadir oo…)

0

(Garoowe) 29 Juun 2020 – Baarlamanka Puntland ayaa kulan uu lahaa kasoo saaray go’aamo ka kooban 13 qodob oo wada diidmo ah oo ku aaddan qodobbo uu socodsiiyey Baarlamanka Dhexe, metelaadda Gobolka Banaadir iyagoo soo jeediyey in metelaad loo sameeyo Sool iyo Sanaag, gebi ahaanna diidey inay ka qayb galaan kulanka uu MW Somalia ku baaqay 5-8 Luulyo, inta laga saxayo qodobbadan, sida ay sheegeen.

Qoraalka kasoo baxay Baarlamanka Puntland ayaa sidoo kale diiddan moodalka doorasho ee ay keeneen Guddiga Doorashooyinka oo ay ku cilladeeyeen in aanu ”kala saaraynin habka degaanka doorashada xisbiyada ku dhisan iyo nidaamka awood qaybsiga 4.5.”

Waxay sheegeen in uu Gobollada Banaadir, Sool iyo Sanaag ay xaq u leeyihiin inay helaan kuraasi ku metesha Aqalka Sare, balse ay tahay in taa loo maro si waafaqsan Dastuurka dhexe ee dalka.

Si kastaba, waxaan meesha lagu soo darin sheeko horay loo hadal hayey oo ah goosasho.

Halkan hoose ka akhri…

Hadalsame Media