DIBLOMAASIYADDII DURAYGA: Imaaraadka & Israel oo samaystay xiriir ay ugu dugaaleen durayga karoonaha (Wasaaradda Caafimaadka Israel oo war soo saartay)

0

(Tel Aviv) 28 Juun 2020 – Wasaaradda Caafimaadka Isarel ayaa sheegtay in iskaashiga cilmiya iy caafimaadka ee Imaaraadka iyo Israel uu ka tillaabsanayo caqabadaha ka jira gobolka.

“Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Imaaraadku waxay heshiis la galeen kuwa Israeli-ga ah si ay isula hormariyaan tiknolojiyad la xiriirta cudurka coronavirus,” ayuu yiri Hezi Levi, Maareeyaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ay war isla soo saareen Imaaraadka.

Levi ayaa raaciyey: “Jeer lagu jiro fiditaanka COVID-19 iyo saamayntiisa caalamka oo dhan, baahida iminka taallaa waa in la isu kaashado xalka fayruskan iyada oo la ilaalinayo danta aadaaha.”

“Iskaashiga cilmiga iyo caafimaadku waa kuwo ka sarreeya caqabadaha taariikhiga ah iyo kuwa siyaasadeed ee gobolka, iyadoo muhiimadda 1-aad la siinayo badbaadinta aadmiga.” ayuu kusii qiil samaystay.

Imaaraadka ayaa la sheegay inuu karoonaha u adeegsanayo inuu dibedda usoo saaro xiriir hoose oo uu awalba la lahaa Israel, isaga oo iska indha tiraya waajibka akhlaaqiga ah ee Falastiiniyiinta oo la saaray culayskii ugu badnaa tan iyo waagii NAQBA ee 1948-kii looguna gooddinayo in laga qaadanayo Daanta Galbeed oo dhan, isagoo laba dayuuradood oo wada 100,000 oo ah walxaha lagu baaro ka dejiyey gegada Ben-Gurion ee Tel Aviv.

Hadalsame Media