”Waannu ka tashanaynaa!’ – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo ka hor yimid meel marinta metelaadda Muqdisho

0

(Garoowe) 27 Juun 2020 – Wararka ka imanaya dhanka Garoowe oo xarun u ah Maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Xildhibaanno ka tirsan Baarlaman-goboleedka Puntland ay qaadaceen metelaadda loo qoondeeyey Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee ay maanta ansixiyeen Aqalka Hoose ee DF Somalia.

Xildhibaannada ayaa ku dooday in Aqalka Sare lagu qaybsaday 18-ka gobol ee dalka Somalia iyagoo sheegay inay ”khalad tahay” in la khilaafo hab qaybsigaa.

Waxay kaloo Xildhibaannadan ka tirsan Baarlamanka Puntland dhaliil u jeediyeen Xildhibaannada Aqalka Hoose ku metela maamullada Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo ay ku eedeyeen in ay caasimadda ka dhigayaan “magaalo reer leeyahay”, iyaga oo doorasho ku raadinaya, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanadan ayaa ugu dambayn tilaamay inay taageersan yihiin qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland 24-kii bishan Juun, kaasoo ay Puntland ku sheegtay inay ka shaqaysiinayso qodobka 3-aad oo ay Puntland kuhanjabtay in ay ka fiirsanayso in ay kasii mid ahaato Somalia.

Dhanka kale, warar kale ayaa sheegaya in ay maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku howllan yihiin jawaab rasmi ah oo ay ka bixiyaan arrinta meel marinta metelaadda Muqdisho oo ay si cad u diidanaayeen, lamana oga waxa ay jawaabtaasi noqon karto, waloow ay diidmo u badan tahay.

Hadalsame Media