Rajadii laga qabey inuu furmo kulanka Baarlamanka oo sii yaraanaysa (Sababta?)

0

(Muqdisho) 27 Juun 2020 – Sida aannu ku heleeyno wararkii ugu dambeeyey waxaa gabaabsi sii noqonaysa rajada laga qabo inuu maanta dhoco kulankii loo ballansanaa ee Baarlamanku yeelan lahaa saaka 9:00 subaxnimo.

Sababtu waxay tahay waxaa weli dhamaystirmi la’ karoomkii uu sharciyan Baarlamanku ku furmi lahaa, iyada oo sidii aannu sii sheegnay ay Xildhibaanno badani iman waayeen, qaarna ay bannaanka taagan yihiin.

Waxaa xitaa jirta cabsi laga qabo foowdo ka dhacda qaacada Baarlamanka, maadaama si aanay mas’uuliyadi ka muuqanin loo shiday qadiyadda metelaadda Gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa lagu sheegay inay salka ku hayso qadiyadda metelaadda Muqdisho oo loo wajahayo qaab qabyaaladaysan, taasoo ay eedeeda leeyihiin Xildhibaanno laba dhinac ah oo adeegsanaya kelmado aan ku haboonayn qof Xildhibaan Qaran ah.

Weli waxaa socota rajo laga qabo inuu furmo kal-fadhigu oo lama quusan, balse waxaa dhanka kale adag in ay taasi dhaboowdo sida ay ku dadaalayaan Xildhibaannada qaar, iyadoo sidoo kale maanta uu Baarlamanka hor tegi lahaa Guddiga Doorashooyinka oo iyagu mar hore meesha tegey, sida aannu warka ku helnay.

Hadalsame Media