Muxuu ka dhigan yahay safarka Ra’iisal Wasaare Kheyrre ee Qadar? (Xogo xasaasi ah)

0

(Hadalsame) 27 Juun 2020 – Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo xilkas ah oo ku dhow xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyrre safarka  Xasan Cali Kheyrre ee dalka Qatar waxa uu xiriir la leeyahay adkeynta  xiriirka 4 jirsaday ee ka dhexeeya RW Kheyrre & dowladaha Khiliijka Carabta oo ay Qatar kamid tahay, sidoo kale socdaalkani waxa uu hordhac u yahay taageero uu Rw Xasan u raadinayo hankiisa siyaasadeed  ee doorashooyinka madaxtinimo oo la filayo in ay dalka ka dhacaan dabayqaada 2020 iyo horraanta 2021.

Booqashada maanta oo Jimce ah Ra’iisal Wasaare uga billaabatay magaalada Doxa ee Dalka Qatar waxa ay qaadaneysaa 5 maalmood, waxa uu kulan heer sare ah la yeelanayaa saraakiil sare oo katirsan arrimaha dibadda ee Qatar, maalmaha ugu dambeeya socdaalkiisana waxa qorshuhu yahay in uu kulan gaar ah la qaato Sheekh Tamim bin Xamad al-Thani Amiirka dalka Qatar.

Socdaalka Rw Kheyre ee Qatar oo aad uga duwan socdaaladiisii hore waxa  ku wehliya oo keli ah guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo xubno kamid ah xafiiska raisawasaaraha iyada oo aanay la socon habayaraatee cid ka socota laamaha kale ee dowladda.

Sida ay isku raacsan yihiin xubno kamid ah mucaaradka iyo taageerayaashu  Xasan Cali Kheyre waxa uu  awood iyo dadaal badan geliyey dhismaha xiriirka iyo hagaajinta wadashaqeynta kala dhexeysa inta badan dowladaha iyo ururada saameynta qarsoon iyo tan muuqata ku leh Soomaaliya, waxa uuba si gaar ah xiriir adag ula sameysatay dowladaha caawiya iyo kuwa danaha siyaasadeed ka leh waddanka Soomaaliya, sidaas awgeed xilligan oo siyaasadda Soomaaliya kujirto marxaladda kalaguurka, doorashooyinkuna soo dhow yihiin waxa la filayaa in uu waxqabad u rogo cilaaqaadka uu dhisayey kudhowaad 4 sano.

Kulamada & Xiriirda Dowladda Qatar & Kheyrre

May-2017 Sida ay faafisay Wakaaladda Warfaafinta Qatar (Qatar News Agency, QNA) Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa si gaar-gaar ah ula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre & Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Tajikistan Sirojiddin Aslov.

May-2018 Rw: Kheyrre ayaa xafiiskiisa kula kulmay danjiraha Qatar ee Soomaaliya Xasan bin Xamza Hashim, war kooban oo ay faafisay Qatar waxa lagu sheegay in kulnka RW Kheyrre & Danjira Xamza uu ku saabsanaa adkeynta iyo hagaajinta xiriirka labada waddan, sidaas oo kalana looga hadlay arrimo muhiim ah oo wada wadagaan labada dal.

Rw: Kheyre & Danjiraha Qatar Xasan bin Xamza Hashim

 

September-2019 Rw: Xasan Cali Kheyre ayaa kulan saacado qaatay waxa uu la yeeshay Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar oo booqasho kuyimid magaalada Muqdisho.

RW: Kheyre & Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani

kulanka Rw Kheyre & Al-Thani waxaa joogay wasiirka gaadiidka iyo Isgaarsiinta Qatar Jassim bin Saif Al Sulaiti & Maryan Aweys Jaamac Wasiirka dekedaha & gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Wasiiraddu waxa ay kulankaas uga dhawaaqday maalgelinta Qatar ee Mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, kudhawaaqidda mashruucaasna waxa lagu sheegay in ay qab ka tahay taageero loo fidiyey Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

wasiirka gaadiidka iyo Isgaarsiinta Qatar Jassim bin Saif Al Sulaiti & Maryan Aweys Jaamac Wasiirka dekedaha & gaadiidka Badda ee Soomaaliya,

Sida ay faafisay Safaaradda Qatar ee magaalada Muqdisho December, 2019 Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani Amiirka Qatar ayaa kulan heer sare kula qaatay Sheraton Hotel ee magaalada Dooxa Raisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre intii ay socotay madashii Dooxa-2019 (Doha Forum 2019 in the Doha) kulankaas waxa joogay raislawasaaraha Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Raisalwasaahara Soomaaliya: Xasan Cali Kheyre & Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani Amiirka Qatar

July-2019 Wafdi milateri oo ka socday wasaaradda gaashaandhigga ee Qatar ayaa tegey Dhuusamareeb, wafdiga oo la socday diyaarad Milateri oo uu leeyahay ciidanka cirka ee Qatar ayaa wadahadal saacado qaatay waxa uu la yeeshay Rw: Xasan Cali Kheyre oo xilligaas ku howlanaa taageero ay dowladda dhexe siineysay qabanqaabada dhismaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Wafdi kasocda Gaashaandhigga Qatar oo lagu soo dhoweeyey Dhuusamareeb-2019

Falanqeeyayaashu waxa ay qabaan in Marka la isku soo xooriyo dhammaan dhacdooyinkan safarka raisalwasaare Kheyre kadhigan yahay qayb kamid ah dadaalka taageerada ololihiisa doorashada madaxtinimo ee 20/21.

Isha: Idaacadda Mustaqbal

Hadalsame Media