”Farmaajo ma wuxuu joojin karaa kulamada Baarlamanka?” – Gud. Mursal oo runta u sheegay Maamul-goboleedka Puntland (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 27 Juun 2020 – Waxaa maanta la meel mariyey metelaadda Gobolka Banaadir oo horay mar dib loo dhigay muddo dheerna lagu muransanaa, taasoo ay u codeeyeen 142 Xildhibaan oo ka mid ahayd 146 saaka soo xaadirtay kulankii Baarlamanka, iyadoo ay diideen 4 ka mid ah, waxaase halkaa ka khudbeeyey Guddoonka Baarlamanka.

Guddoonka Baarlamanka Md Maxamed Mursal ayaa mar uu khudbo caqli celin ah u jeedinayey Xildhibaannnada oo runtii muujiyey mas’uuliyad darro aad u wayn, Baarlamankiina u kala qaybiyey baloogyo beeleeysan oo xambaarsan aragti beleeysan, wuxuu u sheegay inay iska illoobaan qabyaalad iyo eegista dano gaar ah, isla markaana la qiimeeyo naf hurnimada dadka ku dhaqan Muqdisho oo ah meesha qura ee ay canshuurto DF Somalia uguna dadka badan Somalia, misna aan lahayn wax metelaad ah.

Ha yeeshee, wuxuu taabtay arrin kale, taasoo ah Maamul-goboleedyo si aan Dastuurka waafaqsanayn mar kasta ugu dhinac orda ama ”cuuryaamiya” howlaha hay’aadka DF Somalia, sida uu qabo Guddoomiye Mursal.

”Xilliyadan marka lasoo gaaro waxaa bata in la cuuryaamiyo hay’adihii Dowladda ee ka bixin lahaa, taladana loo celiyo 4 qof oo rabta wax kasta oo ay wadaan plus inay u yihiin,” ayuu warkiisa ku bilaabay Guddoonku.

”Marqaati waxaad iiga tihiin, gobollada mid ka mid ihi inuu soo qoray warqad oo uu leeyahay MW Farmaajo maadaama uu joojin waayey shirarkii Baarlamanka ma imaanayno. Bal luuqaddaas halla fasiro? Farmaajo waa MW JFS, shaqadiisuna waxay ku qoran tahay Dastuurka,” ayuu daba dhigay.

”Farmaajo ma waxaa loogu tala galay inuu Baarlamanka soo dhex istaago oo yiraahdo ‘shaqadiinna joojiya’ idinkaan idin waydiinayaaye.” ayuu kusoo celiyey Xildhibaannada.

Warkan ayaa ku socda Maamul-goboleedka Puntland oo ah midka ay kasoo baxday warqadda la sheegayo, isla markaana wadey qorshe lagu joojinayo ilaa 4 qodob oo hor yaalley Baarlamanka Dhexe, iyadoo marar badan la is waydiiyey waxa is dhex geliyey shaqooyinka DF Somalia oo ah hay’adda dalka ugu sarreeysa iyo kuwa Maamullada.

Dowladdii tan ka horreeysey ayaa samaysay wax lagu magacaabay ”Madasha Qaranka”, taasoo meesha ka saartay shaqadii Golaha Baarlamanka, isla markaana awood dheeraad ah oo sharci darro ahayd siisay maamullada.

 

Hadalsame Media