DHEGEYSO: Dowladda Sweden oo lacag MUSHAHAR u dhiganta u qortay ”Dadka Halista ku Jira” (Risk Group) & dhib oo jira

0

(Stockholm) 27 Juun 2020 – Dadka ka tirsan kooxaha halista ku jira ee qaba cudurrada raaga ee loo yaqaan risk group-ka, ee aan sidaa darteed shaqa tegi karin cabsida in karoonaha la qaadsiiyo dartii ayaa xaq u yeelan doona inay lacago guryohooda ku qaataan wixii ka bilowda 1-da bisha soo socota ee Luulyo.

Ha yeeshee, waxaa haatan soo baxday inaysan farsamo ahaan dadkaasi lacagahaa loo ogolaaday heli kari doonin ilaa dhamaadka bisha Agoosto ee kusii xigta.

Acko Ankarberg Johansson oo Baarlamanka ku metesha Xisbiga Kristdemokraterna, Isla markaana ka tirsan Guddi Hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Baarlamanka, ayaa arrintan oo ay ku tilmaantay mid aan la aqbali karin aad uga hor timid.

“Runtii aad baan ula yaabay,” ayay tiri.

Todobaadkii tegey, Baarlamanka Sweden ee Riksdag ayaa go’aamiyey in dadka halista ku jira ee cabsida cudurka karoonaha dartii aan u shaqayn Karin la siiyo lacag dhan SEK 804 karoon maalintii (24120 bishii), wuxuuna sharcigaasi dhaqan gelayaa 1-da Luulyo.

Yeelkeede, maadaama ay arrintani tahay mid dhowaan gal ah oo aan horay u jirin waxaa cinwaan looga dhigayaa lacag jirro oo lagu bixinayo ujeeddo kahortag ah, balse Khasnadda Caymiska Dadwaynaha ee Försäkringskassan ayaa sheegtay in loo baahan yahay in khaanad cusub oo adeeg danabeed ah (e-tjänst) laga dhiso webka hay’adda si ay dadku lacagahaa usoo dalbadaan, taasoo soo dhamaystirmaysa 24-ka Agoosto.

Hadalsame Media