DF Somalia oo doonaysa in sidoo kale meel la saaro MAQAAMKA Muqdisho inta lagu jiro muddo-xileedka u harsan (Faafin rasmi ah)

0

Muqdisho, 27 Juun 2020 – War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa loogu mahad celiyey Xildhibaannada Aqalka Hoose oo maanta meel mariyey metelaada Muqdisho, waxaana loo jeediyey inay sidoo kale meel saaraan maqaamka caasimadda ”inta lagu jiro muddo xileedkan.”

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7-aad ee Baarlamaanka,” ayaa lagu bilaabay War Saxaafadeedka.

”Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajir ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka

“Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed

”Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xildhibaanada sharafta leh iyo Guddiyada dib-u-eegista dastuurka inay ka shaqeeyaan sidii maqaamka Caasimadda u noqon lahaa mid cad inta lagu gudo jiro muddo xileedka Golayaasha Sharci-dejinta

”Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Golaha Shacabku ay noqoto mid adkeysa dowladnimadeenna taabo galka ah iyo dib u dhiska dalkeenna.” ayaa lagu soo af meeray.

Hadalsame Media

Facebook Comments