DEG DEG: Kulankii Baarlamanka oo furmay & metelaaddii Gobolka Banaadir oo la meel mariyey!

0

(Muqdisho) 27 Juun 2020 – Waxaa is jiid jiid dheer kaddib dib u furmay kulankii Baarlamanka Dhexe, kaddib markii la isku dayey in kulankan la baajiyo, waxaana iminka ka khudbeeynaya Guddoonka Baarlamanka.

Guddoonka Baarlamanka Md Maxamed Mursal ayaa khudbo caqli celin ah u jeediyey Xildhibaannnada oo runtii muujiyey mas’uuliyad darro aad u wayn, Baarlamankiina u kala qaybiyey baloogyo beeleed.

”Dadka Muqdisho nagama saacidaan dhanka dhaqaalaha oo qura, balse waxay malaayiin uga dhinteen Dowladnimada Somalia, anigu waxaan qabaa inay malaayiin ka dhinteen,” ayuu yiri Guddoonka.

Ugu dambayn waxaa aqlabiyad lagu meel mariyey qodobkii lagu muransanaa ee metelaadda Gobolka Banaadir oo loo qoondeeyey inuu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare.

Waxaa u codeeyey 142 Xildhibaan, waxaana diiddey 4 Xildhibaan oo qura, halka aanu jirin qof ka aamusay, waloow ay jireen Xildhibaanno tiro yar oo qaylinayey markii la bilaabay hannaanka codaynta.

Hadalsame Media