Dadwaynaha woqooyiga Gaalkacyo oo ku QAXWAYNAHA farqi wayn oo u dhexeeya labada Wasiir Amaan ee Puntland & Galmudug

0

(Gaalkacyo) 27 Juun 2020 – Waxaa shalaytoole magaalada Gaalkacyo ku kulmay Madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo sida ay sheegeen ka arrinsaday waxyaabo uu amaanku ugu muhiimsanaa.

Ha yeeshee, waxaa ay aad bulshada Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta woqooyi ay u hadal haysey isbarbar dhig ay ku sameeynayeen labada Wasiir Amaan ee labada maamul, iyaga oo ka hadlay arrin ay ku kala duwan yihiin.

1 – Axmed Macallin Fiqi oo ah Wasiir Amniga Galmudug, wuxuu muddo ka shaqaynayey degaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan Gaalkacyo oo uu amaankeeda wax badan kasii qabtay, kahor intaanu imanin Madaxwaynaha Galmudug, Md Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor.

2 – Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Gallan, waxa uu markiisii koowaad tegey Gobolka Mudug, wax qorshe ah oo amaan oo uu horay uga qabtay may jirin, sidoo kalena, kama horreeyne wuxuu la yimid  Madaxweynha Puntland, Siciid Deni.

Labadaa arrimood ayay shalay ilaa maanta ku qaxwaynayaan dadwaynaha ku nool Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta woqooyiga oo uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.

Hadalsame Media