Qaab MUSUQ ah oo lagu bixiyo hantida ma guurtada ah ee dadwaynaha (Makhaayad hadda la isku haysto)

0

(Muqdisho) 26 Juun 2020 – Warar hoose oo aannu heleeyno ayaa xaqiijinaya in dhisme cusub laga sameeyey halkii uu ku yaalley dhismihii hore ee Baarlamanka Somalia (Ex-Baarlamaan), oo ku garabka ku haya taallada Daljirka Daahsoon ee agagaarka faras magaalihii hore ee Muqdisho.

Waxaa halkaa laga taagey dhisme qurux badan oo loo sameeyey in lagu waqti waato wuxuuna leeyahay fadhiyo, jirdiinooyin iyo waxyaabo loogu tala galay inay dadku ku nastaan, kuna kala war qaataan.

Yeelkeede, dhulkan oo ah mid dadwayne ayaan wax xog ah oo badan laga haynin qaabka lagu bixiyey, cidda dhistay, cidda adeegsanaysa iyo waxa ay kusoo celinayso khasnadda dadwaynaha.

Waxaan sidoo kale la ogayn in dhulka la iibiyey iyo in la ijaarey iyo middoodba xeerka loo maray iyo cidda bixisay.

Ha yeeshee, waxaa si kastaba halkaa iminka isku haysta siyaasiyiin ku jira DF oo doonaya inay halkaa ku yeeshaan dano ganacsi sida in meesha laga sameeyo meherado lacago laga sameeyo, iyadoo ay danta dadwaynaha kasoo horjeeddo inuu siyaasigu danta guud u adeegsado tiisa gaarka ah oo uu ganacsi uga faa’iidaysto.

Waxaa la sheegayaa in loo kala dheereeynayo qandaraaska ciddii meeshan maamuli lahayd, iyada oo ay tahay siyaasi ka qaad siyaasi u qaad oo aanu jirin tartan furan oo la gelayo.

Waxaa qaabkaa madmadowga ah horay loogu bixiyey dhulal ay ka mid yihiin Barxaddii Ceel Gaab oo haatan loo yaqaanno Beerta Nabadda iyo sidoo kale Hotel SYL iyo meelo kale oo aan wax xog ah laga haynin qaabka lagu bixiyey iyo waxa kasoo noqda iyo inta sano ee la ijaarey.

Waxaa sidoo kale jirta xog kale oo aannu daba soconno oo ku saabsan makhaayado laga dhex furayo Tiyaatarka Qaranka iyo Istaadiyo Muqdisho oo iyagana la iskula dheggan yahay.

Hadalsame Media