MW Farmaajo & Muuse Biixi midkee xalay shacabka runta u sheegay?

0

(Hadalsame) 26 Juun 2020 – Waxaa xalay geyiga Somalia laga xusay bilowga Maalmaha Xorriyadda oo ka bilowda 26-ka Juun, socdana ilaa 1-da Luulyo, waxaana munaasabado waawayn lagu dhigay magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa iyo kuwo kale.

Waxaa halkaa ka khudbeeyey madax la kala hadlaysa Somalia kala sidata calamo kala nooc ah oo aan isku calool ahayn, si ka duwan cawada loo dabbaal degayo 60 sanadood kahor, waxaana halkaa laga sheegay hadallo aan run wada noqon karin farsamo ahaan.

MW Somalia ayaa jeediyey khudbad ku aaddan in MW Muuse Biixi, oo xukuma Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale uu ”garowsaday inaanay cidina kaligeed waxba noqon karin oo aysan Somaliland kaligeed dhaqaaqi karin, sidaa darteed uu doonayo in wax la wada noqdo oo wax la qabsado,”

Yeelkeede, Muuse Biixi laftiisa oo dadwaynaha kula hadlayey Madaxtooyada maamulkiisa ayaa sheegay war midkaa khilaafsan oo ah inaysan Somaliland ”dib ugu noqonaynin midnimadii” oo uu aaneeyey dhibaatooyin badan oo soo gaarey woqooyiga isagoo sheegay inay midnimada kusoo noqon karaan oo qura haddii ay 5-tu isu imanayso, sida uu qabo.

Wuxuu xitaa sheegay in is dhexgalka la sheegayaa uu yahay mid dhex maraya ”laba dal” oo tusaale ahaan haddii ay koox ciyaareed ama faneed kasoo baxdo Hargaysa ay Muqdisho FIISE siinayso sidii laba dal, taasoo aan dabcan ku qornayn heshiiskii Jabuuti.

Si kastaba, MW DF iyo midka Somaliland waxay dadwaynaha xalay u sheegeen wixii ay jeclaayeen inay maqlaan, marka la eego inba intii hor fadhidey, ha yeeshee, midkood unbaa run sheegaya midna dad qancis ayuu ku jiraa, kase hor dhici maayoo waqtiga ayaana sheegi doona.

Hoos ka daawo KHUDBOOYINKA

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media