Falastiin oo Turkiga ku casuuntey inuu soo saaro gaas ku jira baddeeda (Caqabad hor taagan)

0
Waa sanadkii 2000 iyadoo laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Badda Falastiin oo eegaya maxaddo baaraysa gaaska laga helay badda Marinka Gaza

(Ankara) 25 Juun 2020 – Maamulka Falastiin ee PA ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu Turkiga la galo heshiis lagu baarayo shidaalka ku jira badda Falastiin, sida uu sheegayo Ergayga PA u fadhiya Ankara ee Faed Mustafa.

“Waannu u furan nahay aragti kasta oo lagu sii dheerayn karo xiriirka aannu la leenahay Turkiga, waxaana taa ku jirta in aannu Turkiga kula heshiinno baaritaanka Aagga Dhaqaale ee noo dhowran ee badda ee EEZ,” ayuu Mustafa tu sheegay Aydinlik.

Falastiin ayaa Badda Dhexe xad kala leh dhanka Marinka Gaza, waxayna taasi siinaysaa xuquuq ay ku sahmin karaan shidaalka ku jira Bariga Badda Cad, ha yeeshee, Israel ayaa diidanayd in la baaro gaas 1999-kii laga helay meel 30 km u jira GAZA oo go’doomin buuxda ku jirta tan iyo 2006-dii oo ay maamulkeeda la wareegtey kooxda Xamaas.

Gaaskan oo lagu qiyaaso 1 tarilyan oo fuusto ayaan lasoo saari karin maadaama ay Marinka Gaza go’doomin ku hayaan Israel iyo Masar oo dhinacyada ka kala xiga, taasoo keentay in aan 21 sano la taabanin.

“Kama faa’iidaysan karno gaaskeenna go’doominta Israel darteed,” ayuu yiri Mustafa.

Marka la eego Xeerka Badaha ee QM, dal kasta oo xeeb lihi wuxuu sheegan karaa 320km oo ka dhigan EEZ, balse marka la eego qaabka ay u samaysan tahay Badda Dhexe waa dhib badan tahay taasi, waxaana markasta loo baahan yahay inay dalalku ka wada xaajoodaan oo xeer jajab ka gaaraan, waana midda badinaysa muranka ka oogan Bariga Baddaasi.

Turkiga ayaa heshiis la galay Libya si uu u baaro shidaalkeeda Bariga Badda Dhexe, waxaa sidoo kale isku dheggan dhamaanba dalalka ku hareereeysan baddaas

Waa sanadkii 2000 iyadoo laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Badda Falastiin oo eegaya maxaddo baaraysa gaaska laga helay badda Marinka Gaza

Markab Turkigu leeyahay oo shidaal ka baaraya meel ka baxsan xeebaha Qubrus, taasoo ay Giriiggu kula muransan yihiin

Hadalsame Media