DEG DEG: RW Khayrre & wefdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay dalka Qadar

0

(Muqdisho) 26 Juun 2020 – Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyrre iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo qayb uu ka yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Qadar.

Lama oga waxa uu daarran yahay safarkan oo aan horay loosii shaacinin, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu RW Khayrre Qadar kala hadlayo socodsiinta mashaariic iyo qorsheyaal ay labada dal horay ugu heshiiyeen.

Qadar ayaa tusaale ahaan maalgelisa mashruuca dhismaha jidadka Muqdisho-Afgooye-Jowhar iyo sidoo kale dhismaha Dekedda Hobyo.

Waxay kale oo olog la tahay DF Somalia oo aan ku tiigsan markii ay go’doomiyeen 3 dal oo ka mid ah Khaliijka deriska la ah iyo dalka Masar.

Hadalsame Media