DEG DEG: Madaxda Maamullada Puntland & Galmudug oo ku kulansan magaalada Gaalkacyo + Sawirro

0

(Gaalkacyo) 26 Juun 2020 – Waxaa sidii horay loosii sheegayba kulmaya Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Labada nin ayaa iskugu tegey faraca Madaxtooyada Puntland ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Labada Madaweyne ayaa waxaa durba u bilaabaya shir ay uga wada hadlayaan arrimo intooda badan la xiriira amaanka magaalada Gaalkacyo oo ay wax badan ka tartay iskaashi iyo wada shaqayn dhexmartay ciidamada labada maamul ee halka degmo kala maamula.

MW Galmudug ayaa horay u diidey hindise uu riixayey Deni oo Maamullada ku dhiiri gelinayey inay diidaan 4 xeer oo hor yaalla Baarlamanka Dhexe, kuwaasoo qaar la ansixiyey qaarna madlan yihiin.

Hadalsame Media