DAAWO: 3 sarkaal oo laga ergey Booliiska Maraykanka kaddib markii cod SIR ah laga helay! (Ma malayn kartid waxa ay ku sheekaysanayeen)

0

(Wilmington, NC) 26 Juun 2020 – 3 askari oo ka mid ah Booliiska magaalada Wilmington, North Carolina, ayaa shaqadii laga  rukhseeyey kaddib markii la maqlay iyagoo wadaagaya sheeko madow nacayb ah isla markaana dadka madoow ugu yeeraya neegarro, sida uu sheegay Taliyaha Booliiska aaggaasi Donny Williams.

Saraakiishan oo magacayooda lagu kala sheegay James Gilmore, Corporal Jesse Moore II iyo Kevin Piner oo wada ah saraakiil ruug caddaa ah oo soo shaqaynayey tan iyo 1990-meeyadii ayaa wadaagaya sheeko ka fog midda loo xil saaray ee ilaalinta bulshada iyo sharciga.

Codka la helay ayaa waxaa xitaa ku jirta Piner iyo Moore oo maagaya Taliye Williams, oo laftiisu nin madow ah, halka Piner iyo Gilmore ay caayeen saraakiisha kale ee booliiska ee madowga ah.

Piner ayaa xitaa mar dhahaya “Ma sugi karo inuu bilowdo dagaal sokeeye. Alloow mar noo biloow si aan inta u baxno misna u xasuuqno madowgan nac*****dda ah oo aan maabka uga tirtirno si ay dib ugu laabtaan 4-5 jiil kahor.”

Saraakiisha la eryey Wilmington – magaalo xeebeed qiyaastii 80 mayn woqooyi ka xigta Myrtle Beach, South Carolina – ayaa imanaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda sinjiga ka dhalatay kaddib dilkii George Floyd ee Minneapolis, Minnesota, Breonna Taylor ee Louisville, Kentucky, iyo Rayshard Brooks oo lagu diley Atlanta, Georgia.

Hadalsame Media