Xaaladda Xamdi lagu diley waa mid XANUUN badan (DF waa inay arrimahan la xaashaa)

0

(Muqdisho) 25 Juun 2020 – Waxaa magaalada Muqdisho lagu diley Xamdi Cabdullaahi oo ahayd gabar dhallinyaro ah, oo ku hamineysey nolosha quruxdeeda oo markan uun u soo iftiimeysay, waxaa se xalay dilay oo ifka dhaafiyay askari wata qori lagu iibiyay canshuurta shacabka ay bixiyaan.

Askari ay ahayd inuu waajibka 1-aad iyo shaqadiisaba ku saleeyo sidii uu iyada amaankeeda u sugi lahaa, ma se dhicin ee isaga ayaa dhimashadeeda sabab laga fursan karey ku noqday.

Marxuumad Xamdi ayaa la sheegay in ay ka shaqeynaysay meel wax lagu naash naasho oo la yiraahdo Warda Beuaty Care, waxa ayna ka rawaxday iyadoo Caafimaad qabta goobteeda shaqada.

Ha yeeshee Bajaajtii ay saarnayd oo mareysay agagaarka Wershada Caanaha ayaa mar kaliya waxaa rasaas ku riday nin lagu sheegay askari ka tirsan ciidanka DF iyada oo aanay jirin baahi taa keenaysey, waxaa ayna ka qabsatay madaxa oo Xamdi markiiba meesha ayay ku dhimatay oo nafi dhulka lama dhicin.

Arrimahan nasiib darrada ah ayaa soo noqnoqda iyada oo sida muuqata aanu fiicnayn dishibiliinka iyo aragtida ay nolosha iyo bulsho la dhaqanka ka haystaan qaar ka mid ah dadka loo dirayo inay amaanka sugaan, balse iyagu sigaya.

Waxaa maalin dhowayd uu askari diley oday waayeel ahaa oo gaari gacan wax ku iibinayey, iyada oo ay kasii horreeysey kuwii diley wiilka iyo gabadha gurigooda iska hor fadhiyey iyo kun shil oo kale. DF waxaa la gudboon inay arrimahan la xaasho.

Hadalsame Media