Iiraan oo sheegtay inay SALDHIG badeed rigli ah ka samaysanayso Badwaynta Hindiya (Jawaab dadban oo ka dhan ah DF Somalia?)

0

(Tehraan) 25 Juun 2020 – Ciidamada Badda Iiraan ayaa sheegay inay saldhig badeed rigli ah oo dalkooda ka baxsan kii abid ugu horreeyey ka samaysanayaan Badwaynta Hindiya, marka uu dhamaado Sanadka Iiraan ee haatan socda oo dhamaanaya 20-ka Maarso 2021-ka, sida ay faafinayso saxaafadda dalkasi.

Madaxa Ilaalada Jamhuuriga, Alireza Tangsiri, ayaa sheegay in ay Iiraan doonayso inay ballaariso hardanka ay Maraykanka kula gasho Gacanka Beershiya iyo Marinka Hormuus.

Sida uu qabo Tangsiri, Ciidamada IRGCN ee la gaynayo Badwaynta Hindiya looga gol leeyahay in ay maraakiibta kalluumaysiga Iiraan ka ilaaliyaan wax uu ku sheegay ”burcad badeedda” iyo “maraakiib shisheeye“, sida uu yiri.

Waa markii ugu horreeysey ee ay Iiraan saldhi ka samaysato meel ka baxsan Gacanka Beershiya, wuxuuna Tangsiri sheegay inay ka jawaabayaan amar ka yimid Hogaanka Sare ee ruuxiga ah, Ayatollah Ali Khamenei.

Sanaddii 2008-dii, Khamenei, oo sidoo kale ah Abaanduulka Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan ayaa soo jeediyey inay Ilaalada Jamhuurigu ilaaliyaan maraakiibta kalluumaysiga ee ka joogta Badda Cumaan iyo Badwaynta Hinidya.

Lama sheegin dal ku yaalla gobolka oo ay saldhiganayaan, sidaa darteed waxay u eg tahay inuu saldhiggoodu guurguurayo oo ay saldhiganayaan biyaha caalamiga ah.

Iiraan ayaa ku doodaysa inay la xafiiltamayso Maraykanka, yeelkeede, sida ay caddaysay DF Somalia waxay boob ka wadda biyaha Somalia, iyada oo la sheegay in laga tiriyey wax ka badan 112 markab iyo doonyo ay Iiraan leedahay oo halkaa ka jillaabta, waxayna u egtahay inuu qorshahani yahay mid lagu ilaalinayo kalluumaysigaa sharci darrada ah, maadaama ay Badwaynta Hindiya ka fogtahay Iiraan oo aan wax xad ah la lahayn haba yaraatee.

Murannada siyaasadeed ee lax dhukan col iyo abaar moogga ah ee Somalia ka jira ayaa keenaya in la waayo fursad lagu dhiso Ciidankii Badda Somalia ee ilaalin lahaa xeebaha dalka, maadaama aanu jirin qorshe qaran oo lagu midaysan yahay oo caalamka loola tegayo, balse taa biddaalkeeda 100 e-mail oo is dacwaynaya loo diro.

Hadalsame Media