DHEGEYSO: Xirfado ay Soomaalidu u badan tahay oo la ogaadey inay yihiin kuwa ugu nugul Covid-19

0

(Stockholm) 25 Juun 2020 – Waxaa maanta oo Khamiis ah la sheegay in 21 qofood caabuq sidaha Covid-19 ugu go’een dalka Sweden, taasoo tirada guud ee cudurkan u geeriyootey gaarsiinaysa 5,230 oo qofood, halka ay kiisaska guud ka marayaan 63,890 kiis.

Dhanka caalamka, waxaa sii xumaanaysa xaaladda gaar ahaan dalalka woqooyiga Ameerika iyo Hindiya, waxaana loosii dhowaanayaa 10 milyan oo kiis, balse qaaradda Yurub xaaladdu iminka waa xasilan tahay.

Anders Tegnell, xeel dheeraha cudurrada faafa ee Sweden iyo Madaxdda HDCB (FHM) ayaa sheegay inay jiraan dadka ka shaqeeya xirfadaha qaar oo cudurkan uga nuqul kuwa kale.

– Darawallada basaska, tagaasida iyo tareennada ayaa markiiba soo boodaya oo noqonaya kooxda ku jirta halista ugu badan, balse waxaa sidoo kale jira dadka ka shaqeeya xirfadaha adeeg ee kale’’ ayuu yiri.

Hadalsame Media