DAAWO: Turkiga oo markii ugu horreeysey tijaabiyey gantaal DIYAARADEED ka dusaya shub aad u dhumuc wayn (Meelaha loogu tala galay)

0

(Ankara) 25 Juun 2020 – SARB-83, oo ah gantaal shubka ka dusaya oo ay sancaysay Hay’adda Daraasaadka Sayniska iyo Tiknolojiyadda Turkiga ee TÜBİTAK, ayaa tijaabadiisa lagu guulaystey, sida uu sheegay Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda dalkaasi, Mustafa Varank.

Varank oo Twitter-ka ku wadaagey sawir muujinaya tijaabada gantaalkan, ayaa sheegay in farsamadani tahay mid ay Turkigu tijaabiyeen markii ugu horreeysey, isagoo sheegay inuu dalku haatan leeyahay kaabayaal loogu tala galay in lagu tijaabiyo farsamada sii xoogaysanaysa ee Turkiga, iyada oo aan loo baahnayn in dibedaha lagu soo tijaabiyo oo kharash badani ku boxo.

SARB-83 oo ay TÜBİTAK la dhistay Hay’adda kale ee Daraasaadka Hubka Ciidanka ee SAGE, ayaa loo adeegsan karaa bartilmaameedyada dhuleed oo ay ku jiraan dhufaysyada dhulka hoostiisa ah, iyada oo gantaalku qaadanayo madaxyo kala nooc ah, lamase sheegin xilliga la siinayo Ciidanka Turkiga.

Baaruudda ku jirta gantaalkan ayaa ah nooca loo yaqaan thermobaric, taasoo awood u leh inay ogsijiinka ku jira hawada soo nuugto si ay ugu adeegsato xoojinta qaraxa, waxayna ka dusi kartaa godadka, dhabbayaasha dayuuradaha, hangarrada shubka ah, dhufays dhuleedyada hoose iyo biyo xireennada.

SARB-83 wuxuu ka dusi karaa shub dhumiciisu dhan yahay 1.8 mitir (5.9 cagood) isagoo awood u leh inuu weliba burburiya waxyaabaha kusii dhex jira ee uu dhowraarinta u yahay.

Hadalsame Media