DHEGEYSO: Sweden oo soo rogeeysa CANSHUUR nooc cusub ah (Dadka la saarayo)

0

(Stockholm) 24 Juun 2020 – Wixii loo gaaro sanadka soo socda, shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka xoogsada Sweden ayaa lagu soo rogi doonaa inay canshuur bixiyaan.

Waxaa sidaa u dhigan hindise ay maanta Dowladda Sweden hor gaynayso Baarlamanka dalka ee Riksdag, waxaana sababta sharraxaysa Magdalena Andersson, Wasiiradda Maaliyadda Sweden.

Sida ay dowladdu sheegtay, waxaa dalka Sweden mararka qaar rakhiisan in shaqaale dibedda laga keensado, maxaa wacay shaqaalahaasi canshuur bixin mayaan muddo sanad barkii ah iyo wixii ka yar, waxaana jira sharikaad ay ka mid yihiin kuwa dhismaha oo arrintan ka faa’iidaysta.

Sharcigan oo haddii la meel mariyo dhaqan gelaya 1-da Jannaayo 2021, wuxuu canshuurta ku waajibinayaa qofka shaqaalaha ah ee shaqa bixiyaha waxba la waydiin mayo, waxayna Wasiiraddu ka dhex aragtaa faa’iidooyin fara badan.

Hadalsame Media