Ciidamada Israel oo toogtey wiil Falastiini ah oo burkiyeeri kasoo qaadi rabey walaashii oo caruusad ah (Muuqaal murugo badan)

0

(Daanta Galbeed) 24 Juun 2020 – Waxaa shalaytoole Daanta Galbeed ka dhacday arrin murugo badan ku beertay dadwaynaha maxalliga ah iyo kuwa dunida intaba.

Ahmad Erekat, oo ah 28-jir Falastiini ah ayaa waxaa bartamaha jidka ku toogtey Ciidamada Israel, xilli uu kusii jeedey walaashii oo uu kasoo qaadi lahaa meel burkiyeeri ah oo lagu naashnaashayey.

Gabadha ayaa u diyaar garoobeysey aroos ay geli lahayd habeenkii xalay ahaa, balse waxaa farxaddii murugo iyo qamuunyo lama illoobaan ah u rogey Ciidamada Yuhuudda ee ay isbaarooyinka faraha badani u yaallaan jidadka isku xira Daanta Galbeed oo ay Israel iminka qorshaynayso inay gebigeedaba wada qaadato, iyadoo awal inta badan degaamaysatey.

Hoos ka daawo sawirka maydka wiilka oo jidka yaalla kaddib markii la diley…

Hadalsame Media