Turkiga oo soo bandhigay taangi dile leh muuqaallo cajiib ah & dalal durba dalbaday

0

(Ankara) 23 Juun 2020 – 26 gaari oo ah jiilka cusub ee gaashaaman ee KABLAN oo ay dhistay sharikadda Turkiga ah ee FNSS ayaa lagu qalabeeyey Ciidamada Turkiga.

Gawaardan gaashaaman ayaa sidoo kale sida gantaal taangi dile ah oo riddada dhexe ah oo la yiraahdo OMTAS, waxaana tooreetka uu ku wareegayo farsamaysay sharikadda ROKETSAN ee isla Turkiga.

Guddoonka FNSS ee Nail Kurt ayaa sheegay in 26-ka gaariba loo gudbiyey Ciidamada Lugta Turkiga sida ay horay ugu heshiiyeen hay’adaha SSB iyo FNSS.

Waxaa sidoo kale gawaaridan lagu darayaa adeeg berri biyood ama Assault Amphibious Vehicle (AAV), iyadoo markii ay tijaabadaasi dhamaato sanadka soo socda ee 2021, Ciidamada Turkiga la siin doono 27 kale marka la gaaro 2022, waxaana deeto la bilaabi doonaa farsamaynta iyo soo saarista caadiga ah.

Gaarigan ayaa qaadi kara howsarka wayn ee CMI Cockerill 3105, kaasoo ridi kara madfac dhan 105-millimeter (mm), waxaa kale oo ku xiran qori darandoorri u dhaca oo 7.62 mm ah, wuxuuna saacaddii jarayaa 70 KM, isagoo u adkaysan kara heer-kul gaaraya 50 degrees Celsius.

Wuxuu leeyahay dhowraarin baalistig ah oo ilaalinaysa dushiisa, waxaana ku wareegsan gaashaan dheeraad ah, halka calooshiisu ay leedahay lakab adag oo u gigsan kara miino dhuleedka.

Turkiga ayaa sheegay inay durba dalabyo usoo dirsadeen dalal ay ugu horreeyaan Indonesia oo mid sambal ah loo diray Sebtember 2017-kii, Malaysia, Singapore, Philippines, South Korea, qaar ka mid ah Jamhuuriyadaha Turkic-ga ah iyo dalal ku yaalla Yurub, Afrika iyo Laatiin Ameerika.

Hadalsame Media

Facebook Comments