Muxuu Covid-19 ka bedeli doonaa dunidii aad beri ku noolaan jirtey? (Qaybtii 1-aad)

0
Customers wearing face masks as a precautionary measure against the COVID-19 coronavirus sit in a cafe, which has masking tape on every other table to enforce social distancing, in Hong Kong on April 21, 2020. - Hong Kong has reduced growth of confirmed COVID-19 cases to single digits in recent days, but city authorities say they are not taking any risks. Chief executive Carrie Lam said social distancing measures and some business restrictions would continue for another two weeks until at least May 7. (Photo by Anthony WALLACE / AFP)

(Hadalsame) 23 Juun 2020 – Dhamaadka adduunka sidii aan u naqaanay Sida ay xaqiiqada cusubi u muuqato, waxa aan filan karnaa in aan aragno isbeddallo waaweyn oo xagga shaqada, safarka iyo dhaqanka adduunka ah.

Waa doqonnimo in aan u qaadanno in noloshu ay ku sii socon doonto sidii ay ahayd kahor Covid-19 (Sawirka) Hal qof oo Shiinaha jooga ayuu fayrusku ku dhacay, waxa ku xigayna waa waxa aad ogtahay oo ah, duullimaadyadii adduunka oo dhan oo joogsada, magaalooyinkii oo wada xirma, in ka badan 348,000 ruuxna way dhinteen.

Ma jiro wax intaa ka badan oo cadayn kara in aan kuwada nool nahay hal meel oo kaliya. Sidaas oo kale ma aha in la joogo oo kaliya waqtigii ku haboonaa in la helo nidaamyo cusub oo iskaashiga adduunyada ah, ee waa arrin lama huraan ah oo aan sinaba looga baaqsan Karin in la helo.

Ogow, 14-kii Abriil, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu wax habboon u arkay in uu joojiyo maalgelinta Ururka Caafimaadka Adduunka. Waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waxa ay xireen xuduudahooda markii ugu horeysay muddo tobanaan sano ah.

Hoggaamiyeyaasha adduunyada oo dhani waxa ay ballaarsadeen awoodahooda ilaa heerar su’aalo laga keeni karo. Kuweenna niyadda san waxa ay jeclaan lahaayeen in ay talaabooyinkani yihiin kuwo ku meel gaar ah – asbuucyo ugu badnaan, laakiin nacasnimo ayey ku tahay qof kasta oo maleeya in noloshu ay ku sii socon doonto qaabkii ay ahayd kahor Covid-19.

Khubaradu waxa ay sheegeen in soo saarista tallaal ay qaadan karto ugu yaraan 18 bilood, kadib na in tallaalka adduunka oo dhan lagaarsiiayana ay iyaduna waqti u baahan tahay. Sidaa darteed, ka bixidda xannibaadaha nololeed ee uu keenay ‘Covid-19’ waa laba sano, waana sida ay qabaan dadka ugu niyad san, waliba waa haddii ay wax waliba sida ugu fiican noqdaan: sidaa oo ay tahay, labo sano oo is karantiil iyo dhaqaalo joojin ah wax shaqayn kara ma aha, marka waa in aan ka fikirnaa sidii uu adduunkeennu ugu shaqeyn lahaa, iyo xitaa sidii uu horumar ugu gaari lahaa waaqican cusub.

La soco qaybta 2-aad….

Hadalsame Media