IS-MIIDAAMIN SIYAASADEED: 3 qodob oo dhala 2 natiijo oo iyaga ku LID ah oo ay ku kacaan Madaxda mucaaradka & kuwa Maamul-goboleedyadu

0

(Hadalsame) 23 Juun 2020 – Waxaa shalay dhacay kulan khadka ZOOM ku dhex maray madaxda sare ee DF Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada Somalia, si la isula garto goorta iyo goobta lagu qabanayo kulan toos ah.

Wuxuu ahaa kulan looga ”tashanayey” Doorashada 2021, taasoo uu Maamul kasta ku metelo Baarlamanka Dhexe ee DF.

Yeelkeede, markii taasba laga soo tago maamullada qaar ayaa soo jeediyey qorshe ah in la hakiyo meel marinta sharci hor yaalla Baarlamanka Dalka, waxaana halkaa kasoo baxaysa arrimo badan oo aan is qaadanayn balse ay maamullada qaarkood dabci ka dhigteen inay ku doodaan;

1 – Arrintani waa faragelin lagu sameeynayo shaqadii loo igmaday DF Somalia oo ah hay’adda maamul ee ugu sarreeysa dalka Somalia, waana arrin u dhowran Baarlamanka oo ah hay’ad madax bannaan oo ka tirsan DF iyada oo meteleeysa shacbiga Soomaaliyeed oo dhan.

2 – Maamulladu afka ayay furtaan xilliyada ay doorashada maxalliga ah qabsanayaan, iyada oo akhriya qodobbo dastuuri ah oo ay leeyihiin waa la jebiyey, mana aha in arrimaha gobollada iyo doorashooyinkooda lasoo fara geliyo. Ha yeeshee, qodobbadaasi ma shaqeeyaan marka ay iyagu doonayaan inay faraha la galaan arrimaha Dowladda Dhexe oo ay sheegtaan in ”lagala tashado.”

3 – Qolyaha mucaaradka ah oo iyaguna foowdada ku taageera maamullada, isla markaana soo saara shirar jaraa’id oo ay ku dalbanayaan in aan la ”faragelin” arrimaha gobollada, juuq ma yiraahdaan marka ay tillaabo seddaxda sameeynayaan gobolladu ee ay qarka ku dhegayaan arrimihii DF amaba ay heshiisyo la gelayaan dowlado shisheeye.

3-dan qodob waxaa ka dhalanaya qodob kale oo laba afle ah balse aanay aad ugu baraarugin mucaaradka iyo maamulladu, wuxuuna halkaa qodob ee labada u qaysani kala yahay:

1 – Haddii aad tahay mucaarad xil ka doonaya DF, sida MW, RW, GB WR iwm, misna aad taageerto foowdada maamullada, waa cillad adiga berri ku hor taalla, waxaa kaloo dhacda inaad sababtaa darteed kuba waydo xilka qaran, maadaama ay dadku u jeedaan inaad tahay nin aan mabda’ qaran xambaarsanayn, balse iska xafiiltamaya uun, sidaa darteed, taasi dib u karin ayay rag badan ka doonaysaa.

2 – Haddii aad tahay hoggaamiye Maamul-goboleed oo ku caan baxay inuu kubad dhagax la dheelo DF, waxaad sidaa ku foowdaynaysaa danihii umadda oo si wanaagsan kuu aragta, marka dabcan laga reebo miskiin qabyaalad kugu raacsan, balse aad danihiisii baylihinayso, sidaa darteed, adna waxaa CARRAB YAXAAN kaa ah inaad qabato XIL QARAN oo sare, maadaama aad samaynayso wax kasta oo ka dhan ah dalka, sida adiga oo la xiranaya dalal la dagaalsan danaha qaran ee Somalia. Sidaa darteed, adigana cashar aad si khaldan u akhrisay ayaa ku noqod kaaga baahan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media