DHEGEYSO: Sweden oo tijaabinaysa APP bukaannada u turjumaya oo isbitaallada la dhigayo

0

(Linköping) 23 Juun 2020 – App caafimaad u kala af niqi kara luuqadda Swedish-ka iyo 5 luuqadood oo kale, kana xog-bixin kara waxyaabo uu ka mid yahay cudurka Covid-19, ayaa iminka lagu tijaabinayaa laba xarun caafimaad oo ku yaalla gobolka Östergötland ee dalka Sweden.

Anna Falkenberg oo tala bixiye ka ah xarunta bukaan socod eegtada ah ee LAH Närvårdskliniken oo ku taalla Linköping ayaa sharraxday inuu qofku isu dooranayo luuqadaha uu doonayo inay is fasiraan, iyadoo ka warramaysa booska uu app-kani buuxinayo.

Maamulka gobolka Östergötland ayaa wada shaqayn la sameeyey shirkadda Wordish oo midda app-kan dhistay, taasoo wax kasta waafajisay shaqo maalmeedka xarunta caafimaad ee adeegsanaysa app-kan, iyagoo sheegay inay hubiyeen xogaha caafimaad ee ku duuban app-ka, sida ay qabaan.

Hadalsame Media