DHEGEYSO: Farmaajo & Khayrre oo Turkiga ka diidey qorshe istaraatiji ah oo uu usoo bandhigay (Yay ka baqayaan?)

0

(Muqdisho) 23 Juun 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa ”kashifay” wax uu ku sheegay fursad ay is dhaafiyeen madaxda DF oo uu soo bandhigay dalka Turkigu muddo 2 sano haatan laga joogo.

Faarax Macallin ayaa sheegay in uu Turkigu DF ugu yaboohay inay la galaan heshiis istraatiji ah oo dhanka amaanka ah oo wada jir ah sida midka ay la galeen dalka Qadar, balse ay ka gows adaygeen.

”Nimankani Maraykan bay ka cabsanayaan. Reer Galbeed ayay ka cabsanayaan. Kolleey wax bay is tuseen, balse sax maaha.” ayuu yiri Faarax Macallin.

Dalka Turkiga ayaa ah dalka qura ee si kal iyo laab ah u garab istaagey DF Somalia, waxaana hadda jira xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya Somalia iyo dalka Turkiga oo Muqdisho ka furtay Safaaradda ugu wayn ee uu Afrika ku leeyahay, amaba lagu doodo caalamka oo dhan.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay inay DF ka codsatay inuu ka qayb galo soo saarista shidaalka Somalia, isaga oo dhanka tababarka ciidamada ka caawiya Somalia

 

Hadalsame Media