DF Somalia oo qaadatay laba MOOWQIF oo caalami ah (Shir dhacay)

0

(Muqdisho) 23 Juun 2020 – Wasiir Dibadeedka Somalia, Md Axmed Cawad ayaa maanta dhanka khadka uga qayb galaya kulan lagaga hadlayey labada qaddiyadood oo xasaasi ah oo kala ah dagaalka Libya iyo Biya-xireenka GERD ee ay isku hayaan Itoobiya iyo Masar.

DF Somalia ayaa labada arrimoodba ka qaadatay go’aan dhexdhexaad ah, iyada oo soo jeedisey in wax kasta lagu dhameeyo wada xaajood siyaasadeed.

”Somalia waxay taageersan tahay in xal nabadeed lagu dhameeyo khilaafaadka Libya, isla markaana laga wada xaajoodo is mari waaga Masar iyo Itoobiya.” ayuu soo qoray Wasiir Dibadeedka Somalia.

Dalalka Qadar, Libya iyo Jabuuti oo iyaguna ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa iyaguna dhegaha ka furaystay qaraar ay wadatey Masar oo lagu doonayey in lagu cambaareeyo Itoobiya.

Masar iyo Itoobiya ayaa iminka qir iyo qir kala taagan, iyada oo ay Masar ku adkaysanayso in uu jiro heshiis ay waa hore laga gashay dalka Britain oo aanay waxba ka khuseeynin biyaha Niilka oo kasoo bilowda Bariga Afrika, balse ay biyaha ugu badan iyadu isticmaasho, waloow aysan hal dhibic ku lahayn ilaha uu kasoo burqado.

Hadalsame Media