Arrin kala gaartey dhallinyaro Burco ku dhigeysey baroor-diiq loo sameeyey Ina Baashe & Booliiska?

0

(Burco) 23 Juun 2020 – Waxaa maalin dhowayd geeriyoodey AUN Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaa hal door sanadihii yaraa ee dambe u taagnaa barnaamijka ”Markale Midnimo”, isaga oo sheegay inay khalad ahayd in fikirka kala go’a marnaba la qaato.

Waxaa haddaba saaka ay dhallinyaro hal-doorka ah ee reer Togdheer soo abaabuleen munaasabad baroor diiq ahayd oo loogu tala galay in lagu maamuuso marxuum Maxamed Baashe X. Xasan, taasoo lagu qabtay magaalada Burco.

Ha yeeshee, waxaa madashaa baroor diiqda ahayd oo uu ka dhex muuqdey Cabdimaalik Coldoon oo dhowaan lasoo daayey, soo gaarey Ciidamada Booliiska oo kala cayriyey dadkii goobta joogey.

“Joojiya, saw ninka aad u qabanaysaan ma aha kii Soomaaliya u ololaynayey!”, ayay nagu yiraahdeen ayuu yiri Kayse Gallaydh, oo sheegay in Maxamed uu ahaa nin 40 sano oo cimrigiisa ka mid ahaa uu u halgamayey goonni isu taagga Somaliland, balse ay ka weynaatay bilo kooban oo uu aammisanaa mabda’iisa mar kale midnimo, sida uu ku dooday.

Hadalsame Media