”Ahuru, Ruto & Odinga xitaa iyaga ayaa iiga ”XAQ” badan kuwii isoo doortay!” – Akhri sida uu Aadan Ducaale iskuguu dhiibey raggii shalay dhulka la dhacay!

0

(Nairobi) 23 Juun 2020 – KUMA AHAA ADEN BARRE DUCAALE! ‘‘Raila Odinga waa macalinkayga siyaasadda dugsiga sare. Uhuru Kenyatta iyo William Ruto, waa macalimiinta i baray siyaasadda heerkeeda Jaamacadda…… Cidkasta ayaga ayaa iiga xaq badan, xataa kuwa isoo doortay’’Waa hadallada afkiisa ka dagaya Aden Duale, oo aan markii ugu horreysay shaashada ka baranayo October 2010.

Wariyaha ayaan oranaya, ‘‘ma dadka kusoo doortay ayey kaaga horreeyaan nimankaas’’.
‘‘Yes, William Ruto, Odinga and Uhuru are my godfathers’’.

Caamil qof u shaqeeya, aad u dhaga nugul, waxa loo diro aan weligi hadal ku darin in uu diido haba joogtee ayuu Aden Duale, ahaa.
Asaga ayaa intaas afkiisa ka qiraya.

September 29, 2014 ayaa erayadaan laga reebay, “If Uhuru and Ruto told me to jump from the top of the KICC and assured me that I will not break my leg, I will jump. I am so much indebted to these men. I can do anything for Ruto and Uhuru under the sun,”.

Dadka reer Kenya waa ay yaqaanaan KICC, waa daar dheer oo shirarka iyo kulamada caalamiga ah lagu qabto. Bartamaha Nairobi ayey ku taal.

Saaka daartii KICC dusheeda sare ayaa xilka looga qaaday.

Muddo shan iyo toban (15) daqiiqo ah ayaa lagu go’aamiyey xil ka qaadidiisa. Waxba ma aysan qaadan, shidana kalama aysan kulmin macalimiintiisii Uhuru iyo Ruto, in ay badelaan.
Aden Duale, rabaayad aan weligi fahmin miisaanka uu meesha ku joogo iyo qofka uu yahay.

Nin wareersan, iska hor imaad badan. Maalin ba madaxa meel saara oo in lagu shaqeysanayo, ruuxaanina ka dhex hadlayo si sahlan aad ku garanayso ayuu ahaa.

Rag uu Kenya, uga dhaqaale, wax soo saar iyo karti badan yahay ayuu aaminsanyahay in ayaga mooyaane uusan siyaasadda ku jiri karin, darajana gaari karin la’aantood.

Waxaa qoray: Mahad Gelle oo falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika

Hadalsame Media