Wada hadalllada Jabuuti oo dib u furmaya & qodobbada la dul istaagi doono

0

(Hadalsame) 22 Juun 2020 – Waxaa todobaad kaddib lagu wadaa inay dib u furmaan wada hadalladii DF Somalia & Somaliland, kuwaasoo ay sii ambaqaadi doonaan Guddiyo labada dhinac ka socda.

Guddiyadan ayaa isla eegi doona qodobbo kala duwan oo marka hore lagu bilaabayo waxyaabihii lagu heshiiyey wada hadalladii hore oo la fahamsan yahay in aan qaarkood la fulin.

Waxaa deeto la eegayaa oo marka hore lagu bilaabayaa in laga wada shaqeeyo hirgelinta waxyaabaha ay labada dhinac isku raaci karaan ama ka wada shaqayn karaan, si loogu gudbo wejiyada ugu kulul ee masiiriga ah.

”Marka hore ujeedku waa kalsooni dhisid iyo in laga wada shaqeeyo waxyaabaha la isla ogol yahay.” ayuu qof shirka ku dhow dhowi u sheegay Hadalsame Media.

Hadalsame Media ayaa og in kulankani aanu berri iyo saadambe dhali doonin heshiis deg deg ah oo laga gaaro arrimaha masiiriga ah, balse sida aannu xogta ku hayno, waxaa qaab geeddi socod ah lagu gaarayaa yoolkaas oo ah meesha ugu dambayn loo socdo.

Guddiyada labada dhinac ee todobaad kaddib kulmaya ayaa ka koobnaan doona khubaro dhanka sharciga ah iyo aqoonyahanno u dhuun daloola arrimahan, waxaana ugu sarreeyn doona agaasime guud.

Hadalsame Media