Villa Somalia oo war rasmi ah kasoo saartay kulankii maanta & arrimo horay loo sheegay oo aysan xusin + Sawirro

0

(Muqdisho) 22 Juun 2020 – Madaxtooyada ayaa war rasmi ah kasoo saartay kulan maanta dhexmaray DF Somalia iyo madaxda Maamul-goboleedyada, taasoo looga arrinsanayey arrimaha Doorashada 2021-ka.

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland,” ayaa lagu bilaabay war kasoo baxay Villa Somalia.

”Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka.

”Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.

”Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba.

”Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud.” ayaa lagu soo afjaray.

Si kastaba, erayada falsafadeed ee ku qoran War Saxaafadeedlan ayaanay ku xusnayn wararkii hore ee sheegayey in DF lagu cadaadiyey inay hakiyaan 4 xeer oo la marsiin lahaa Baarlamanka Dhexe, kahor inta aan la iskugu imanin kulan kale oo rasmi ah oo dhexsada DF & Maamullada.

Hadalsame Media