Dib u dhiska jidka wayn ee isku xira Muqdisho-Afgooye oo dib loo bilaabay + Sawirro

0

(Muqdisho) 22 Juun 2020 – Waxaa dib u bilowday dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo hakad u galay caabuq-sidaha karoonaha dartii.

Waxaa maanta la arkayey gawaarida qallaabiyeyaasha ah  ciidda iyo agabyada dhismaha ee culus qaada oo saf ugu jira howl-maalmeedkooda.

Jidka isku xiraya Muqdisho-Afgooye-Jowhar ayaa waxaa dhismihiisa fulinaya injineerro Turki ah, waxaana maalgelinaya dalka Qadar, iyada oo ay ku baxayso lacag dhan 200 oo milyan oo doollar.

Waddooyinka isku xira magaalooyinka ayaa ka mid ah kaabayaasha ugu muhiimsan dhaqaalaha ee ku burburay dagaallada sokeeye ee ka dhacay dalka Somalia oo 30 sano dib dhac wayn ku habsaday, balse iminka soo kabanaya.

Hadalsame Media

Facebook Comments