Ciidamo ay Imaaraadku taageerayaan oo qabsaday meel Somalia u muuqata (Kala sooc ay bilaabeen)

0

(Suqadra) 22 Juun 2020 – Koox gooni u goosad ah oo Yamani ah oo ay taageeraan Imaaraadka Carabtu ayaa shalay qabsaday Jasiiradda Suqadra oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo taageersan Dowladda la aqoonsan yahay, kaddibna halkaa ka cayriyey kumannaan shacab ah oo kasoo jeeda woqooyiga Yaman.

Ilo aan is magacaabin ayaa sheegaya, in malliishiyaad taabacsan Golaha KMG ah ee Koonfurta Yaman ee STC ay dadka reer woqooyiga ah ku amreen inay iskaga baxaan jasaa’irkaasi, iyaga oo doonyo yar ku daad gureeyey.

Ciidamada STC ayaa la sheegay inay halkaa ka sameeyeen wax u qaab ekaa afgembi abaabulan iyaga oo bilowgii qabsaday xeryaha booliiska iyo kuwa millateriga.

STC ayaa bishii Abriil ku dhawaaqay inay doonayaan inay iyagu maamulaan Koonfurta Yaman, taasoo diidmo caalami ah kala kulantay Jaamacadda Carabta oo ah urur fadhi ku dirir ah iyo beesha caalamka.

Jasaa’irka Suqadra oo ay ka baxaan geedo aan caalamka meelo kale laga helin ayaa aad ugu dhow Gobolka Bari ee dalka Somalia.

Hadalsame Media