Ciidamada Yuhuudda oo burburintii ugu ballaarnayd ka bilaabay Daanta Galbeed (90 qoys oo la qixiyey)

0

(Quddus) 22 Juun 2020 – Ciidamada Israel ayaa muddo 2 todobaad ah burburiyey ugu yaraan 70 guri oo ay leeyihiin Falastiiniyiintu, kuwaasoo ku yaalla dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaana halkaa ku barakacay wax ka badan 90 qoys, sida ay sheegtay hay’adda QM ugu qaybsan xiriirinta arrimaha aadminnimo ee UNOCHA.

Hay’addan ayaa arrintan ku faahfaahisay warbixin ay labadii todobaadba mar soo saarto, waxaana duminta guryahan oo soo bilaabatay 2-dii bishan loo cuskaday in aysan rukhsad ka haysanin maamulka Yuhuudda, tiiyoo meesha laga dhisayo ay tahay meel sharciyan ka tirsan Falastiin.

“Tani waxay ka dhigan tahay koror dhan 250% marka loo eego guryaha celcelis ahaan la burburiyey tan iyo bilowgii sanadkan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Kaaga darane, guryaha la burburiyey 61 ka tirsani waxay ku yaallaa aagga AREA C, kuwaasoo ay ku jiraan 9 guri oo kaalmo aadminnimo lagu dhisay.

OCHA ayaa sheegtay in meelaha ugu daran ay ka mid tahay Massafer Yatta oo ku taalla koonfurta Khaliil (Hebron), halkaasoo ay Yuhuuddu ku dumiyeen 17 guri iyo dhismayaal kale oo muhim u ahaa nolosha dadwaynaha.

Massafer Yatta, ayaa loo asteeyey inay ku toog bartaan Ciidamada Israel, waana sababta la doonayo in halkaa khasab lagaga raro dad gaaraya 1,300 oo qof.

9 kale waxaa laga dumiyey Bariga Quddus, kuwaasoo 4 ka tirsan ay iskood u dumiyeen Falastiiniyiin ka cabsanaya inay dowladda hoose lacago ganaax ah kusoo rogto, isla markaana diiddan in laga burburiyo waxyaabaha guriga u dhex yaalla.

UNOCHA ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in burburintani ay uga darto xaaladda cudurka Covid-19 maadaama ay dad badani qaxayaan, iyagoo saaran gaadiid ciriiri ah.

Hadalsame Media