”Dhamaatay bishii malabku!” – Maraykanka oo ka caroodey siyaasadda Imaaraadka & cunaqabatayn loogu hanjabey!

0

(Washington, DC) 21 Juun 2020 – Ergayga Gaarka ah ee Washington ugu qaybsan dalka Suuriya, James Jeffrey, ayaa weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Imaaraadka Carabta oo si toos ah ugu tafa xaytey inuu taageero cid kasta oo kali talis ah, gaar ahaan Calawiyiinta Suuriya ee dusha ka saaran Sunniyiinta ka tirada badan.

Jeffrey ayaa sheegay in Imaaraadka aan looga turi doonin qaniinyada xeerka delivered Syria Caesar Act, wax loo arko cambaarayn furan oo markii ugu horreeysey Washington uga imanaysa Abuu Dabeey, kaddib markii ay bedeshey moowqifkeedii Suuriya oo balaayiin u ballan qaadday si uu shacabkiisa usii xasuuqo.

Wakiilka Maraykanka oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu qabtay, wuxuu James Jeffrey sheegay in Maraykanku aanu Imaaraadka ka badbaadin doonin inay wajahdo ciqaabta xeerkan, haddii ay ku tumato tibxaha cunaqabataynta.

“Qof kasta oo la macaamila Asad, ha ahaato Imaaraad ama dalal kale…. Waxaa lagu bartilmaameedsan doonaa cunaqabatayn,” ayuu yiri Jeffrey.

Diblomaasigan Maraykanka ah ayaa sheegay in aanu iibsan doonin qorshaha ay Imaaraadku ku bedeleen mowqifkoodii hore iyaga oo tusaale ahaan dib u furtay Safaaraddii ay ku lahaayeen Dimishiq, taasoo uu ku tilmaamay ”fikrad xun.

Imaaraadka ayaa dib u furtay Safaaraddiisa 2018-kii waxaana dhacday in sanad gudihii, uu Danjirohoodu amaan kala dul dhacay wax uu ku sheegay ‘hoggaanka caqliga badan ee Asad’ oo uu ku tilmaamay mid u taagan ‘midnimada Carbeed’.

Abuu Dabeey ayaa deeto bilowday inay maalgeliso Rajiimka Asad oo bishii Abriil la ogaadey inay laaluush ahaan u siisay balaayiin doollar si uu usoo celiyo dagaalka Idlib si halis loo geliyo nolosha malaayiin Suuriyaan ah oo Sunni ah, taasoo xitaa Ruushka ka caraysiisey.

Imaaraadka ayaa sidoo kale dalkiisa ku haya lacagta iyo ehelka madaxda maamulka Asad. Rami Makhlouf, oo ay Assad ilma adeer yihiin ayaa ganacsi ku leh Dubai, waxaana la arkaa carruurtiisa oo Instagram kusoo bandhigaya baashaalka noloshooda.

Hadalsame Media