Baarlamanka oo meel mariyey qodob aan DIMOQRAADI ahayn (Laba ceebood oo uu leeyahay)

0

(Muqdisho) 21 Juun 2020 – Baarlamanka DF Somalia ayaa u codeeyey in kuraasida xildhibaannada ee ay hadda ku fadhiyaan haweenka ku jira Baarlamanku, ay kaliya u tartami karaan haweenka oo qura.

Waxaa xeerkan u codeeysay aqlabiyad dhan 134 Xildhibaan oo taageertay in kuraasida ay haweenku iminka haystaan aan lagu darin tartanka ragga, halka ay 7 xildhibaan iska diiddey.

Waxay haddii la jejebiyo la micne tahay in kursi kasta oo ay iminka gabari haysato ay kaliya kula tartami karto gabar kale oo qura.

LABA KHALAD – Arrintan oo la sheegay in looga gol leeyahay in lagu joogteeyo inay gabdhuhu saami dhan 30% kusii lahaadaan Baarlamanka Dhexe ayaa waxaa ku jirta laba cilladood oo aan cadaalad ahayn.

1 – Maadaama beelo lagu soo xulay, waxay beelihii gabdhahaa soo xulay ku khasban yihiin inay gabdho uun soo xulaan doorashada xigta, halka kuwii aan soo xulin aan xaq loogu yeelanayn inay markooda soo xulaan, tusaale, haddii la dhihi lahaa waxaa markan 30% soo xulaya beelo aan ahayn kuwii muddo xileedkan waxay noqon lahayd isle’eg.

2 – Waxay cadaalad darro ku tahay wiilasha iyo gabdhaha labadaba, waayo haddii inta doorasho la galo uu qofku kartidiisa suuq geeyo waxaa dhici kari lahayd inay gabdhuhu helaan 30% ka badan, sidoo kale, wiilkii xaqa u lahaa inuu kursiga kula hardamo gabadha ayaa isna bannaanka la dhigay, taasoo aan dimoqraadi ahayn.

Waxaa kale oo meeshaa ku dulman gabdhaha ka dhashay beelaha kale ee kuraasidooda wiilal uun loo xukumay ee aanay gabari usoo istaagi karin.

Hadalsame Media