Weriye Maxamed Saalax oo ka hadlay wixii uu kala kulmay Booliiska & Taliyaha oo khilaafay amarkii MW Deni

0

(Garoowe) 20 Juun 2020 – Waxaan horay u qornay in loo yeeray weriye maxalli ah oo la yiraahdo Maxamed Saalax, kaasoo lagu haystey inuu baahiyey dhacdo dibedbax ah oo ku qabsoontay Boosaaso, haddaba, weriyaha ayaa arrintaa ka bixiyey tafaasiil gacan 1-aad ah.

Wuxuu ku bilaabay sidatan: ”Waa run in layga yeedhay Taliska Booliska gobolka Nugaal. Taliyaha Qaybta G/Sare.Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa xalay maamulka Telefishinka SBC ku wargeliyey in subaxa layga baahan yahay xarunta Booliska Nugaal.

”Saaka ayaan tegey xarunta Booliska, aniga, Agaasimaha SBC Garoowe, Maxamed Siciid, iyo Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland, Maxamed Caynsane.

”Taliyaha, waxa uu noo sheegey in dad ay iga soo dacwoodeen iyaga oo sheegaya in aan baahiyey warar been abuur ah oo ku saabsan gobolka Bari, isla markaasna uu i xidho.

Waxaa warka weriyaha ku jirta inuu Taliyuhu garowsan yahay in aanu weriyuhu wax khalad ah samaynin, maadaama uu baahiyey dhacdo sharci ah ee aanu isagu waxba been abuurin, sida ku qornayd barwada eedda.

”Taliyaha, waxa aan u sheegnay wax aan baahiyey in ay yihiin wax dhacay;haddii dowladdu aysan oggoleyn in wararka la baahiyona ay tahay arrin kale. Si wanaagsan ayaan isu fahannay. Taliyuhuna wuxuu noola dhaqmay si wanaagsan, isaga oo ku qancay in aan baahiyey war keliya, taasi oo aan xaq u leeyahay.

”Dhacdooyinka noocan oo kale ah waxba ka beddeli maayaan shaqada aan u hayo bulshada iyo dhexdhexaadnimayda, oo la micno ah, nacayb aargudasho dhaliya ama cabsi aan xaqiiqo ka aamuso midna igu abuuri mayso arrintani.

”Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbadayda SBC, MAP iyo dhammaan dadka arrintan ka muujiyey dareenka ee farrimaha boqolaalka ah ii soo diray oo aanan mid walba gaar uga jawaabi karin. Dhammaan dadka waxaan leeyahay dadka;dalka waxa leh aniga wax qoraya iyo adiga akhrinaya.

”Hal mid ogow wararka aan sheego dadka oo dhan ma farxadgelinayaan, kamana wada nixinayaan. Mid maanta xanaaqsan ayaa berri farxi kara. Waxaan ka mas’uul ahay sida aan wax u qoray ee kama mas’uul ihi sida aad u fahanto. Mahadsanidiin.” ayuu kusoo afjaray warkiisa.

Dhaqamada noocan ah ayaa walaac laga muujinayaa, iyada oo ay madaxda gobollada qaarkood ku dhiirrinayaan inay caburiyaan xorriyadda hadalka, furfurtaanta iyo isla xisaabtanka.

Hadalsame Media