Kenya oo ka maarmi waydey KAASHKA Somalia (Arrin hal-dhinacleey ah oo ay ku dhaqaaqayso)

0

(Lamu) 20 Juun 2020 – Kalluumaysato fara badan oo ku dhaqan Ismaamulka Lamu County iyo ganacsatada alaabooyinka geeya kana keena Somalia ayaa la fasaxayaa sida ay qorshaynayso Dowladda Kenya oo markii hore iskeed u xirtey xadka Kenya-Somalia.

Bishii Juun ee sanadkii tegey ayay Kenya xirtey xadka Somalia oo uu ku jiro marinka Kiunga ee Lamu to block kaasoo ay sheegtay inay adeegsadaan dad wada koontarobaan iyo argagixiso.

Taliyaha Ciidanka Lamu Count, Irungu Macharia ayaa sheegay inay jeexeen qorshe iminka kalluumaysatada iyo ganacsatada lagu fasaxayo, gaar ahaan kuwa Jaadka ka ganacsada oo xadka ka gudbin kara wixii ay doonaan, tiiyoo uu rasmi ahaan xirnaanayo.

Mr Machaira ayaa intaa raaciyey in ay ashtako uga imanaysey kalluumaysatada iyo ganacsatada oo sheegay in xadka xirani uu noloshooda ku yeeshay saamayn dhaqaale oo aad u xun.

Wuxuu kaloo sheegay in ay tillaabadan u qaadayaan, maadaama buu yiri uu gebi ahaanba dhulka yaallo dakhligii dalxiiska ee ay ku tiirsanayd Lamu, duray Covid-19 ee dunida ku faafay dartii.

Hadalsame Media ayaa fahamsan in Kenya ay qaadayso tillaabooyin aysan ka tala gelin DF Somalia, iyada oo xadka furta ama xirta markii ay iyadu doonto, waxayna shalay diyaarad ay leedahay ka degtey magaalada Baraawe, iyadoo siddey Jaad loosii tahriibiyey Muqdisho, iyada oo doonyo diyaar ahaa lagu daabulay.

Kenya ayaa beri dhexdeer ahayd gubtey hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah oo kasoo gudubtey xadka Lamu, taasoo ka kala timid Muqdisho iyo Kismaayo.

Hadalsame Media