GACAN BIR AH: Weriye Maxamed Saalax oo looga yeerey Xarunta Dembi-baarista (Arrin sharci darro ah oo lagu haysto)

0

(Garoowe) 20 Juun 2020 – Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya in weriye lagu magacaabo Maxamed Saalax oo ka tirsan Taleefishinka SBC looga yeeray Xarunta Dembi-baarista, ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Wararka halkaa ka imanaya ee madax banaan ayaa sheegaya in ay arrintani salka ku hayso amar shalaytoole wariyayaasha magaalada Boosaaso lagu siiyey in aysan duubi karin dadwayne dibedbaxayey iyo cabashadooda.

Maxamed Saalax, ayaa ah weriye si dhow u la socda arimaha maxalliga ah ee Puntland iyo kuwa guud ee qaranka, wuxuuna wax ka qoraa dhacdooyinka Soomaaliya oo uu deeto ku faafiyo baraha bulshadda.

Maamulka MW Siciid Deni ayaa tan iyo markii la doortay lagu eedeynayaa inuu ku tumanayo xorriyadda hadalka guud ahaan shacabka ku dhaqan Puntland oo uu Dastuurka gobol iyo kan qaran damaanad qaadayo, isagoo si gaar ah u bartilmaameedsada cid kasta oo qabta ra’yi 2-aad oo aan kiisa waafaqsanayn, min siyaasi, oday dhaqameed, qof caadi ah ilaa weriye.

Waxaana halkaa ka jira cabsi galin, caga juglayn iyo xarig aan barwo iyo sharciyad toona wadan.

Hadalsame Media