Gabar Soomaaliyeed oo noqotay weji firfircoon oo u taagan QADDIYAD muhim ah (Jaamacaddeeda oo karti u qirtay)

0

(Calgary) 20 Juun 2020 – Xilli ay cirka sare mareeyso cunsuriyadda ka dhanka ah dadka madoow, ayay Dr Fartuun Siyaad MD oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhigata Kulliyadda Caafimaadka ee Cumming School of Medicine waxay bilowday dedaal arrintaa ku saabsan.

“Cunsuriyaddu waa xasarad haysata caafimaadka bulshada,” ayay tiri Dr Fartuun oo wax ka aasaastay Jamciyad ay leeyihiin ardayda madowga ah ee dhigata Jaamacadda Calgary (Black Medical Students’ Association).

“Waxay cunsuriyaddu ka dhex jirtaa qaybta caafimaadka, iyada oo dahsoon ama daahir ah. Waxaan u baahan nahay inaan bar garanno cunsuriyadda hay’adaysan.” ayay tiri.

Dilalkii George Floyd, Regis Korchinski-Paquet, Breonna Taylor, iyo Ahmaud Arbery ee dhowaanahan dhacay ayaa dadka xusuusiyey qarada cunsuriyadda ka dhanka ah dadka madowga ah, sida ay sheegtay.

Dr Fartuun oo ay ku faanto Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa ku guulaysatey 16 abaal marinood oo dhanka aqoonta ah, iyada oo bachelor iyo master dhanka Sayniska ah ka qaadatay University of Calgary.

“Dr. Siyaad waxaa ka buuxda xamaasad waxayna muujisay inay tahay wakiil leh hal abuur looga baahan yahay in bulsho lagu bedelo. Waa qof hoggaamin u dhalatay,” ayuu yiri barofaysar Dr. Doreen Rabi, MD oo sheegay inay iyaga ku cadaadiso inay isbeddel la yimaadaan oo u cadaalad falaan dadka madowga ah.

Hadalsame Media

Facebook Comments