MAXAY BI’IYEEN? Waxaa la diley hooyadii, ilmeheedii & wiilkii wadey, waxaase weli waxaa meeshii ka muuqda RAAD xanuun badan! (Qiso shalay Muqdisho ka dhacday)

0

(Muqdisho) 19 Juun 2020 – Alle ha u naxariisto Ehelkeenna iyo Awlaadeenna. Sii socoshada Jariimooyinkaan waxaa ka dhalanaya Cuqubaad umada dhan saameeya sida kuwii Soobe iyo Ex.Koontarool ee aan wali qalbiyadeena ka bixin.

Ma jecleyn inaan idinka nixiyo laakiin waa idinka qariyey gaduudka carunka iyo dhiiga.. Tani waa dhacdadii shalay ee qaraxii lagu dilay dadka masaakiinta ah ee saarnaa Moota Bajaajka.

Waxaa ku dhintey Hooyo iyo Carruurteedii sida aad aragtaana waxa dhulka yaala MASAASADDII CUNUGGA.. Waxaa ku dhintay oo kale wadihii Bajaajta oo ahaa wiil dhalinyaro ah.

Ka warran DULMIGA intaa le’eg? Ka warran reerihii ay saaka u soo SOOFEEN dadkaasi iyo xannuunka niyadeed, quus, dhaqaale ee ay la nool yihiin? Ka warran intii uu biilayey wiilkaa dhallinyarada ihi? Yaa jeclaan lahaa inay sidaasi ku dhacdo? Maxay galabsadeen oo lagu diley? Cidda sidaa fulaynimada ah wax u dishey maxaa saaka u kordhay oo aan HOOG adduun iyo mid AAKHIRO ahayn? Kii miinadaa dhigay iyo kan u soo dhiibey xaalkoodu waa sidee? Habeennkii si nabad ah ma u seexdaan marka ay waxan oo dembi ah galaan oo DHIIG ku qubaystaan? Ka warran oo ka warran?

Waxay tusaale u tahay inaan nahay umad iyadoo nool dhimatay, habayaraatee aan wax Damiir ah laheyn, iskaba daa Diin warkeeda. Waa maxay Xaquuqda loo raadinayo Caasimad sidaas haweenkeena iyo carruurtooda loogu gowracayo?

Geeridu ma ahan khasaaraha ugu xun ee khasaaraha ugu xun waa in adoo wali nool aad qalbiga ka dhimatid.

Subxaanallah, Walciyaadu Billaah.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Moha

Hadalsame Media